ma ogtahay amaanada
kaanada keysane
dhulkana ka ooyo
adkaysan waaye
adiguna ficilba
ogadaada ku qaado
adhaxdaada saartay
adkaysan waaye

bal ilaali ajashaa
aakhirana dhib weeyo
ka eed baxaysid

ma ogtahay haweenkiyo
hablaha aynigaaga iyo
asaankaaga oo badan
ayuunba ayaanbadan
uurkayga gabadhee
rabi kugu abuuroo
kali igu ahaate

bal ilaali ajashaa
aakhirana dhib weeyo
ka eed baxaysid

ma ogtahay adi iyo ani
axdibaa u dhaxeeyo
ma ogtahay midkeeni
oofin waaya wacadkii
ifka lagu kadeediyo
aqalkiisu waa naar
abu jahal tiisi

bal ilaali ajashaa
aakhirana dhib weeyo
ka eed baxaysid

Exit mobile version