sida midha castiyo
canabkoo kalaad
ii cajabisayoo
waan ku calmadee
cadnaana iyo
cawo iyo ayaan
caashaqoo cirkiyo
caadkaba ha tagee
cudud ma igu siin
oo may ila cugan
cadrad lagu nastaay
ceeshiyo anfaco
caano iyo nabad
cunaha may la marin

marka cududuhiyo
cabaadhyaha arkaan
isha ku cabiraan
cadaadyoonayaa
caarada tintiyo
ciribtiiyo dhexduna
caashaqu cirkiyo
caadkaba ha tagee
cudud may igu siiin
oo may ila cugan
cadrad lagu nastaay
ceeshiyo anfaco
caano iyo nabad
cunaha may la marin

Exit mobile version