waa guri dhiskii aqal galkii
hanad geesiyoo gob ahoo
wanaag iyo garasho badan

waa laba gu'yaal jacayl aan gudhayn
midba gees hayoo soo xero gashoo
uumiyo aroos geediga ku furay

gacal iyo xigtaba duco idiin gunteen
gabaniyo hablaba wiilal iyo gabdhaba
GUULE idin siii AAMIIN

waa guri dhiskii iyo dadab galkii
gabadh qalanja oo gayaan laga xushoo
qurux lagu galaday

Exit mobile version