Caashaay jacaylkii
Cajabuu i galiyoo
Cishqibaa i lalabayee

Culusaa dareenkani
Cabatoo naftaydii
Calankay ku saartee

Hadii caadil noo qoray
Oon calaf wadaag nahay
Cawo iyo ayaaneey
Ma is aroosi doonaa

Cadiyo daruureey
Cid aan ku tilmaamaa
Arligaba ma noolaa

Caku haybadaadaa
Cindigaygu doortoo
Ku ciseeyay aniguye

Hadii caadil noo qoray
Oon calaf wadaag nahay
Cawo iyo ayaaneey
Ma is aroosi doonaa

Exit mobile version