Qof dhoofoo aan iman
Dhibaatuu leeyahoo
Wakhtigu wuu dheeryahoo
Dhulkuna wuu kala rogyahay

Dhaayuhu ma arkaan kolay
Dhaayuhu ma arkaan kolay
Qof meel dheer ka jiree
Dhambaalaha soo diroo
Dhagaha uun igala soco

Dhamaantood waaxyihiyo
Dhiigaad ku abuurantoo
Dhabaan kuu jeceloho
Hoy iyo aqalbaan dhisnaa

Dhaayuhu ma arkaan kolay
Dhaayuhu ma arkaan kolay
Qof meel dheer ka jiree
Dhambaalaha soo diroo
Dhagaha uun igala soco

Dhaayuhu ma arkaan kolay
Dhaayuhu ma arkaan kolay
Qof meel dheer ka jiree
Dhambaalaha soo diroo
Dhagaha uun igala hadal

Jacaylbaa i dhala rogoo
Hurdana dhaacoo ka tagay
Habeen waan dheelmadaa
Dharaartiina waan socdaa

Dhaayuhu ma arkaan kolay
Dhaayuhu ma arkaan kolay
Qof meel dheer ka jiree
Dhambaalaha soo diroo
Dhagaha uun igala soco

Dhaayuhu ma arkaan kolay
Dhaayuhu ma arkaan kolay
Qof meel dheer ka jiree
Dhambaalaha soo diroo
Dhagaha uun igala hadal

Exit mobile version