Doog iyo biyay
Duubyadu rabtaa
Damal iyo hadhbay
Duhurkii heshaa

Raaxiyo dugsaa
Dadku jecelyohoo
Ana dookhan baas
Aduu doonayaa

Seedii darkaan
Kugu diirsanaa
Dayaxo kalaan
Kuu daawanaa

Dun iyo xariir
Dahabaad tahoo
Quruxiyo dabcaad
Dumar dheer tahee

Dareen iyo kalgacal
Caashaqbaa idiloo
Aniguna dartaa
duur joog noqdee

Seedii darkaan
Kugu diirsanaa
Dayaxo kalaan
Kuu daawanaa

Exit mobile version