waxaad tahay bil dhalatiyo
cadceed soobaxaysoo
hiligtii hilaacoo
bidhaantaada weeyaan
tan jacayl ka beertee

bidixdiyo waxaan nahay
midigta isku baah doo
ilayn waysu booyaan
hadday midi bukootee

ha burburinin acadkoo
haka baqan dhankaygoo
buur igala culuside
ha baylihin kalgacalkii

waxaad iila bilic tahay
beeraha wajaaloo
intuu roob barqadii helay
baliyada xareedii
togogiii burqanayaan

banjoogtiyo ugaadhii
bilicdooda yaabka le
bandhigay sameeyeen
tahay sanad barwaaqo ah

ha burburinin acadkoo
haka baqan dhankaygoo
buur igala culuside
ha baylihin kalgacalkii

ruuxii bukaan qaba
bariidaw sad weeyaan
boholyawga caashaqa
waxa iga biin kara
dhanbaal loogu baaqee

bilaneey waraaqaha
boqolaal sanoo jiray
baalalay usoo dhiib
nafta waw bushaaree

baadida qofkaa jira
kula baafinaayoo
in ilaah kuu bixiyana
kaagala bakhaylee
inaan laba bogleeyiyo

haw malayn baxaanbaxa
barbarkayga caashaqa
inaan been furaayoo
adaan kula balaamayaa

Exit mobile version