Ruuxaad baanateed
Ku badhgoysay caashaqa
Haduu beenlaawe yahay
Hadba baasha kaa madhan
Naftaydaay baari noqo
Hana beegsan geerida
Balo lama salooshee
Kama raysto boogtoo
Waa jacayl bilaawiyo
Hadba boqonta iga jaray
Ana inaan bestay ahay
Maad usheegtaan boodhari
Ruuxaan bogsanoo
Ubuseelay aragtida
Hadii ay barbaartii
Ha bariidin leedahay
Naftaydaay baari noqo

Exit mobile version