Camalkiyo salaadiyo
Cibaadadiyo soonka
Camalkiyo salaadiyo
Cibaadadiyo soonka

Cadaantaada quruxda
Cabaadhyaha garaarankaa
Cadaantaada quruxda
Cabaadhyaha garaarankaa

Casiis hibadii weeyoo
Casiis hibadii weeyoo
Casiis hibadii weeyoo

Casrigana hablaha kacay
Calankaad u sidataa
Casrigana hablaha kacay
Calankaad u sidataa
Cadrad qaaliyaa tahoo
Calafkaygii noqotee
Cadrad qaaliyaa tahoo
Calafkaygii noqotee
Caadilbaa igu kaa simay
Caadilbaa igu kaa simay

Caku barashadeenii
Carshigaa furnaayoo
Caku barashadeenii
Carshigaa furnaayoo

Cishadaynu kulanaa
Caashaq igu abuurmoo
Cishadaynu kulanaa
Caashaq igu abuurmoo

Cawo eebe weeyaan
Cawo eebe weeyaan
Cawo eebe weeyaan

Cugasha naftaydaa
Caqligayga deeqdoo
Cugasha naftaydaa
Caqligayga deeqdoo
Cadrad qaaliyaa tahoo
Calafkaygii noqotee
Cadrad qaaliyaa tahoo
Calafkaygii noqotee
Caadilbaa igu kaa simay
Caadilbaa igu kaa simay

Exit mobile version