Caashaqu ifoodsaar
Igu sii fidyoo dhacan
Naftu inay fadhido meel
Kaa fogaato ma ogola
Agtaaday ku faantaa
Aragay ku faraxdaa

Farxadii aduunkaay
Qurux lama filaaneey
Farxadii aduunkaay
Qurux lama filaaneey
Dadba adaa ila fiicane
Dadba adaa ila fiicane
Aan la faqin fardawsaay
Filkay aniga oo nool
Farta yay inagu rogin
Farta yay inagu rogin

Inanyahay far iyo gacan
Dhiigaa u kala furan
Laba calafku u furan yahay
Kalgacaylna furi kara
Iyaguna ma kala foga
Faraqaa iskugu xidhan
Iyaguna ma kala foga
Faraqaa iskugu xidhan

Farxadii aduunkaay
Qurux lama filaaneey
Farxadii aduunkaay
Qurux lama filaaneey
Dadba adaa ila fiicane
Dadba adaa ila fiicane
Aan la faqin fardawsaay
Filkay aniga oo nool
Farta yay inagu rogin
Farta yay inagu rogin

Exit mobile version