inanyahay la dhaafsado
dhemantiyo iyo luulkay
buqula laga dhex jogsado
igu dhararsaday caashaqu
markii an ku dheygaba
wuxunba i damqanaaye

hadii aan dhismaha guri
isku ahayn dhigiyo lool
dhidba cawsku gaab tiray
dhaxan kaama celiye

dhaqankeena weeyo
inaga ku dhalanoo
dhidig iyo labaare
dhidibada ku taago
isma wadjir weeyan

inanyahow wixii dhacay
raganimada dhuuxiyo
waa mida u dhalatee

dhankii aan ku eegaba
dhabi baxay ku moodyo

dhudkaay u warkaagana
dhami erayadaado
hadalkaaga dhuuxo
dhagtu maashay maqalkee

dhaqankeena weeyo
inaga ku dhalanoo
dhidig iyo labaare
dhidibada ku taago
isma wadjir weeyan

ianayhay dhag iyo sharaf
dhawrsooni iyo edeb
aan lahayn dhaliishe

caashaqa dhibkiisiyu
laba dheef wadaagto
isku dhigan ma noqonaa

hadaa awrka dhoomaha
la caydyn dhagaagaha
dhimis aan gab lagu siin
rarka lama dhaqaaqe

dhaqankeena weeyo
inaga ku dhalanoo
dhidig iyo labaare
dhidibada ku taago
isma wadjir weeyan

inanyhow dhamayska ahi
sida dhamasta xeebaha
dhererkiyo hubqaadka leh
wafaadka leh

ama dhamana hayskiyo
dhagafaarka caashaqa
naftu dhaygagi weyde

ifka laba is dhaarsaday
hay dhabar adaygaan
isku dhaadan waligod
nacabka dhantaalme

dhaqankeena weeyo
inaga ku dhalanoo
dhidig iyo labaare
dhidibada ku taago
isma wadjir weeyan

Exit mobile version