Halyeygaan jeclahayoo
Hanaqiyo laabtiyo
Naftaan kuu hibeeyee
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon

Hodantaan jeclaayeey
Habla ugu mudnaydee
Heegooy haldhaayeey
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee

Haniyoow waxaa tahay
Halyeygii abtigay dhalay
Ragba kaan ka helayoo
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon

Hodaneey hibaaqeey
Hibo eebe bixiyaay
Habooneey hormoodeey
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee

Haybahaan tabaayoo
Halbowlaha iyo beerkee
Naftan kuu hilawdee
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon
Hadmaad hadmaad
Holand ka soo noqon

Hodaneey inaabtiyo
Hadii eebe igu simo
Hubaal waan imanayaa
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee
Ha i raag ha i raag
Ha i raagsan weykanee

Exit mobile version