VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylkaynu - Lyrics

Inanyahay hubQaadkiyo Heemaalka muuqaad Quruxdii ku Hodan tahee Inanyohoow nin haradoo Aan helay karaboo Lagu soo jirtaa tahee Lagu soo jirtaa tahee 2x Sharaf hooyadaabaad Hido ugu aroortoo Halyay aabahaabaa Ragba ugu horeeyoo 2x Hanaankii ayeeyaa Ku hogaaminaayoo Urintaad ka dhalataa Urintaad ka dhalataa Gobonimo hadhaysee 2x Jacaylkeenan hibitiqey Waa haleelo curatee Waa haleelo curatee Allahayoow hal gaadhiyo Hadimiyo Dhib naga hay Aamiin aamiin 2x Sida hir iyo doog Hoobaal la moodyeey Dadkaa ku hanweyneey Sida roob hilaacoo Daruur heego joogtaa Lagu haybinaayaa Lagu haybinaayaa 2x Hoygaad ku ababtaa Hido loogu dhaatoo Hindisaha aqoontaa U ahayd horyaaloo 2x Garashiyo hubsiimaa Hantidaadu noqotoo Himilada aqoontaa Himilada aqoontaa Kuu hilaadisaayoo 2x Jacaylkeenan hibitiqey Waa haleelo curatee Waa haleelo curatee Allahayoow hal gaadhiyo Hadimiyo Dhib naga hay Aamiin aamiin 2x
Queue is empty
-- / --