VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Jacaylkaynu mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mukhtar Osman
Jacaylkaynu

Inanyahay hubQaadkiyo
Heemaalka muuqaad
Quruxdii ku Hodan tahee
Inanyohoow nin haradoo
Aan helay karaboo
Lagu soo jirtaa tahee
Lagu soo jirtaa tahee
2x
Sharaf hooyadaabaad
Hido ugu aroortoo
Halyay aabahaabaa
Ragba ugu horeeyoo
2x
Hanaankii ayeeyaa
Ku hogaaminaayoo
Urintaad ka dhalataa
Urintaad ka dhalataa
Gobonimo hadhaysee
2x
Jacaylkeenan hibitiqey
Waa haleelo curatee
Waa haleelo curatee
Allahayoow hal gaadhiyo
Hadimiyo Dhib naga hay
Aamiin aamiin
2x
Sida hir iyo doog
Hoobaal la moodyeey
Dadkaa ku hanweyneey
Sida roob hilaacoo
Daruur heego joogtaa
Lagu haybinaayaa
Lagu haybinaayaa
2x
Hoygaad ku ababtaa
Hido loogu dhaatoo
Hindisaha aqoontaa
U ahayd horyaaloo
2x
Garashiyo hubsiimaa
Hantidaadu noqotoo
Himilada aqoontaa
Himilada aqoontaa
Kuu hilaadisaayoo
2x
Jacaylkeenan hibitiqey
Waa haleelo curatee
Waa haleelo curatee
Allahayoow hal gaadhiyo
Hadimiyo Dhib naga hay
Aamiin aamiin
2x

codkii Mukhtar Osman, Tufaax Darajo