dadyow qaran baa tihiin
qoomiyad dhaqan baan tihiin
quruun sharaflaa tihiin
dad qawlkii ilaahayoo
rasuulkoodii qiroo
islaam qaasaa tihiin
aduunkuse waa qabyee
qol halisaad tahee
qabyaalad markay maqlaan
dadkii qiiroonayoo
wanaagii isu qabteen
qasaariyaad yeelaten
muwaadin qofkii ahow
qolkaa ninkii mutaystee
uquudha codkiina oo
dadyow qaranimo yeeshee
dadyow qaran baad tihin
makhluuq qaaliyaa tihiin
dad qiimo le baa tihiin
qabkiyo kibirkaad nacdaan
gumaysi ma qaadataan
qudhiinana uhurtaan
aduunku se waa qabyee
qorshaa wali idinka dhiman
xoriyad baad qaadateen
waxaaad daadiseen qoryoo
waxaad qoroteen dastuur
hdana wuu qaydhinyahee

Exit mobile version