adaa igu qaaliyoo
adaa quruxeey runtii
qiyaas kugu doortayoo
adaan qalanjooy wanaag
jacayl igu qoolayoo
intaan qoortayda sudhay
qardhaasbaan kaa dhigtee

talaan kuu qaydayaa
qormaan kuu dhiibayaa
qabuulbaan kaa rabaa

adaa qumanow jacayl
qiyaas li'i igu ridoo
intuu qalbigayga dagay
ayuu labadayda qaar
i qaybsaday jidhkoo
adigaa qalay waaxyahoo
quluubtiyo beerka lulay

qisaan kuu sheegayaa
runtaan kuu qayaxayaa
qofbaan ahay adi ku jecel

adaan qaliniyo waraaq
hadiyo goor kuu qoraa
qab wayni waa lagu lumaa
wanaagbaa lagu qancaa
qotomi caashaqa qaboo
marwooy qoys ila wadaag
jacaylkana ila quwee

talaan kuu qaydayaa
qormaan kuu dhiibayaa
qabuulbaan kaa rabaa

dadkaan ka qaloodayba
qariib la i moodayoo
waxaan qariyaba wakaa
jacaylkii igu qarxee
naftaa kuu qoomanoo
hubaal qawlkaad i tidhi
ayaan u qushuucayoo
hubaal qawlkaad i tidhi
ayaan u qushuucayoo

qisaan kuu sheegayaa
runtaan kuu qayaxayaa
qofbaan ahay adi ku jecel

Exit mobile version