Aduunyada waa Sagaaloo
Sadkayda ma buuxsamoo
Qabyo ay ku saleesantahay

Sad iyo guur waa nasiib
Ruuxaad salkal iyo qalooc
Sagsaag ka maleesato
Soomaalaa lagu arkaa

Midaad saabka iyo wadnaha
Sadriga dheer galisoo
Saluugtaa laga helaayee

Sideedaba labo is jecel
Ayaankoodii saldhigay
Sirtooda wadwadoo
si ay isu seejiyaan
Xumaanto ulkala sawireen

 

Nasiibku marbuuu samraayo
Sareeradu Qayr dhashaayo
Waxaad sugtaa aad heshaayee

Dadkana sixin iyo sabiib
Ruuxaad malab siisa oo
Xumaan kugu seeriyoo
Sanfaqoosha Iska badan

Daartaa mid kula sidoo
Sixinimo kuu noqdoo
Ku saacida  laga helaayee

Sideedaba labo is jecel
Ayaankoodii saldhigay
Sirtooda wadwadoo
si ay isu seejiyaan
Xumaanto ulkala sawireen

Exit mobile version