asluub dhalshadeenii
arin wada dhamayskii
dhaqan ababinteenii
dhambaal hadaladeenii
isu dheeli tiridii
saw dhamaystirkeenii
aqal wada dhiskeenii
aan dhuuxa kuu shubo
aan ku dhayo jidhkaagee
adna dhiiga isiiyoo
aan dhadhamiyo caashaqa
isku dhafan aan noqonee

indha dhugashadeenii
is dhaga nuglaantii
nabada isla dhawrkii
is dhool dhoolinteenii
gobonimo ku dhaqankii
naf dhaqaalaheeniii
waalid talo u dhiibkii
aan dhuuxa kuu shubo
aan ku dhayo jidhkaagee
adna dhiiga isiiyoo
aan dhadhamiyo caashaqa
isku dhafan aan noqonee

Exit mobile version