Waxaad tahay dhud
Iyo ubax dhamays
Qurux lakacayoo loo-
Dhiibay raganimo
X2

Dharaar taad salaan
Iyo hadal igu dhahdaa
Baan dhowr bari ku
Joogaa mana dhiiban
Karaayee dhabta inaan
Ku yeedhee xishood
Baan ladhuubtaa
X2

Inaan kuu dhaxayoon
Aqal kula dhisaa baan
Kaa dhowrayaa wali
Adna dhego uyeeloo
Kalgacaylkan ila dhaab
X2

Waxad tahay nin dhiiran
Geesi cadowga dhibayoo
Hirbaxaya nacab kee
X2

Kolkaad soo dhawaatee
Dhoosha ka qososhaa
Baa jacayl igu dhamaa-
Daa igu dhacan jacayl
Kii dhuuxuu nawada
Galay iyo dhiiga xididada
X2

Inaan kuu dhaxayoon
Aqal kula dhisaa baan
Kaa dhowrayaa wali
Adna dhego uyeeloo
Kalgacaylkan ila dhaab
X2

Exit mobile version