Ma dhigin dhaqankii ma dhigin
Ma dhihin dhismihii hidaha
Ma dhigin dhabad raxnaydee

Waxaan ahay dhiifsan wali
Dhuduhu ii xidh xidhan wali
Sharaftu wey dhawrsan tahaye

Anigu dhag xumaantiyo
Dhaliishaba waa nebcaa
Waxaan ku dhagaa samaha

Dhibteeniyo dhabadii
Islaamnimadii dhisnayd
Nimaan dhaafay ninbaan
Rabigay sacabka u dhigtoo
Ka sugayaa waan samree
Ka sugayaa waan samree

Ma dhigin taladii ma dhigin
Ma dhigin dhalashadaan lahaa
Ma dhigin dhogortii wacnayd

Waxaan ahay dhawrsan wali
Dhaayuhu wey xishoonayaan
Ayadu wey dhawran tahay

Anigu dhubuq dhubuqda iyo
Dhalanteedka waa necboo
Waxaan dhawrtaa wakhtiga

Dhibteeniyo dhabadii
Islaamnimadii dhisnayd
Nimaan dhaafay ninbaan
Rabigay sacabka u dhigtoo
Ka sugayaa waan samree
Ka sugayaa waan samree

Exit mobile version