Sidaad qool mareeroo
Qur ubaxaya allaylahee
Qoortaada dhabigaa
Qabashadaada dhexdaadiyo
Qumaatada laafyaha
Iyo weliba qiimahaaga
Qeyrkaa aad dheertaahy
Qaadirbaa kusiiyoo
Cad la quuro maba lihid
Qancisay naftaydana
Qoys ineeynu noqono
Qabya tiray dhankeygee
Adna qabo dhankaagoo
Qalqalooca ka ogoow
Anbaa qoobka caashaqa
Qarsanaayay nabarkoo
Kaa qaaday adigoo
Waan qabaa jacaylkoo
Naftaa kugu qarwaysee
Inanyahoow qadarintiyo
Qiimahaa adaa mudan
Quruxdana qofkulamida
Weli dhaaya kuma qaban
Qabanqaabadeeniyo
Qoys inaynu noqonnaa
Qaybtaan kuleeyahay
Ku quusan maysidee
Rabboow ha ina kala qarin
Qotanka iyo jooggiyo
Qaayaha jirkaagiyo
Qaabdhismeedka waaxyaha
Qorqorsiiyahaaga iyo
Hilbahaagan kala qalan
Inanyahay anaa qiroo
Qanibaa kutahayoo
Allaylahee qofnimadiyo
Quruxdana gobbaad tahay
Qancisay naftaydana
Qoys ineeynu noqono
Qabya tiray dhankeygee
Adna qabo dhankaagoo
Qalqalooca ka ogoow
Sidaa qadawga dooggoo
Qurux waaga barisoo
Qaybinaysa nuurkoo
Qaabadeeda tahayoo
Qiyaasteeda leedee
Qayrkaa adduunkana
Qorsha adiga mooyee
Qofkaleeta ha ii filin
Qalbigaaga taa geli
Qabanqaabadeeniyo
Qoys inaynu noqonnaa
Qaybtaan kuleeyahay
Ku quusan maysidee
Rabboow ha ina kala qarin