Bal qofyahaw jacaylbaa
Igu kaa qasbaayoo
Waad i quudhsanaysaa
Qayrkaa ma waayine

Qosolbaabay kula tahay
Qadhwadhyadan i haysiyo
Qamuumyada naftaydiyo
Dabnahanoon qaniinaa

Hadaaan go'o qiyaamaha
Adaaa laguu qabsanayaa

Iga daa qunbacashada
Qoontaad ii yeeshaan
Dadka kala qaloodaa

Ima qabato caynkani
Qaxar iyo lugooyee
Qodhaa iyo xeradaa
Ama kuuma quudhee

Show intaan qalaayaa
Adna qaybinaysaa
Hadii aad qab wayntahay
Nabsi yuu ku qabanine

Qawlaaansigaaagii
Indhahaaa igu qalaaaleen

Exit mobile version