Dawooy dawo caafimaadeey
Darmaan qurux lagu mariimay
Dareenka naftayda kiciyaay

Deegaan baxday ubax dilaacay
Maxaa damqashada
Kalgacal dartaa u haraada

Maxaa gabalkoo dam yidhi
Dadkoo seexday guuro galay
Maxay dirqi u ahayd danteena inaan kaco
Mudoo daal igu badnaa

Dugsiyow dugsi lana huraanow
Dabaysha dhaxanta celiyow
Cir da'ay dal masayrow

Duufaan caashaqu habayow
Maxaan daad soo rogmaday
Dabaashay habeen madaw

Maxaa diifta igu taal
Dadka kuula yaabi idhi
Maxay dib u gocashadii
Xusuustayda daashadeen
Maxaan anba kaa darnaa

Dadaalkayga mudnaa
Daryeelkaaga wacnaa
Inagoo isu duubaniyo
Deeqda RABIBAA lahaa
Damaashaad ila ciyaar

Exit mobile version