Jacaylkii markaan yaraa
Sidii mayaygii i helay
Inuu igu maarmayoo
I daayaan moodayee

Anoon maankaba ku hayn
Sowkaa igu soo mir kacay

Kii naftu maaganayd
Muuqiisa markaan arkay
Ilmadu maradayda qoysaaye

Ma guuraankii kalgacal
Maantuu igu daranyahee
Miyaan kaba maarmayaa
Xishoodbaan la maagayaa

Jacaylkii i maamulee
I mayracayee i miray
Inuu iga meerayoo
I daayaan moodayee

Anoon ka mildhaawo hayn
Sowkaa igu xidhay mareeg

Kii aan maganka u ahaa
Markaan milicsadaa
Cishqigu igu maxaanayaaye

Exit mobile version