Wadnaha adigaa nugleeyay
Nuurkayga adaa la booday
Dhamaan neerfaha jidhkayga
Adaa naxariis ku beeray

Qalbigu adiguu ku naadshaa
Niyada adiga dhex seexdoo
Hankayga nabaad ku daadsho
Adaa naqshadeeyay beerkoo
Ahay naqshadeeyay beerkee

Wiilasha dunidani ku nool
Adaan kaasoo naqaystee hooy
Nalkiyo cishqigaad tahee
Sideen kuu nici karaa

Geedka naqaan beeray
Nasiib ku waraabiyoo
Mar qudha nafaqaystayoo
Jidhkaygu ku noolyahaw

Naftaydu aday ku raacdo
Adaa nalka ii siraadoo
Nasteexo jacayl ku beeroo
Miyaan nuuxsani karaaba

Exit mobile version