Adoo gole ka maagoo
Haweenkaba ka gaabsaday
Sowtaan ku kala baray
Garta iyo tusaalaha
Adigoon gorfayn karin
Sowtaan geesi kaa dhigay
Go'e halaq miyaad tahay
Hadba marada ii gala
Gododlayntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gadoomee ha goohin
Waanan kugu galaynine ha guuxin
Waan guurayaaye i gees mar
Gurgurshee la dhaanshee
Loo tiriyay googeee
Intuu maatadii gabay
Gibishiyo heeryada
Idinkuna gadoodiyo
Abaal gaab ha noqoninee