ruuxaad nafta qaybsateen
hadana nabarada cidhqiga
si niyada isula dhayi jirteen
haduu nolol kale u weecdo

niyadu kama gu'i kartoo
xasuustaaduna u nugul
inay naftu aad u tabi
ayaamo nasteexo tagi

kalgacalbaa igu nastoo
nacfi iyo oontii ka go'ay
intuu naaafeeyay qalbiga
sideen nafis uga helaa

nuxurkiisaba jacayl
wuxuu aad u nuurayaa
markuu ninkaad rabtiyo
nasiib calaf kugu simaan

anu se naxligiisiibaa
wadnaha nugul iiga tagay
wuxuu nacab kenay iyo
mahayn midaan naawile

Exit mobile version