naftaa ku jecelaatayoo
kuu jeelanbaan kuu hayaa
kalgacal jiidhbaa kuugu yaal
qalbigiyo wadnaha jaarbaad la tahay

jalbeebtiyo hadalka erayga wacan
markaan kaa helo jawaab
ayaan joogto caashaqiyo
jibada ka nastaa anigu

anoon jab ka sheeganayn
jaleecada dhaayihiyo
agjoogiyo muuqashada
ayaan ku jalaa naftoo
qofbaa kuu jiraban
hadaad jirto meelo kale

naftaad la jiciirtayoo
adaan jamashada xubiga
laabtani ku jareerayoo
jiifiyo raaxo kaaga go'ay

jeedaalo haday mar qudha
indhuhu muuqaaga arag
miyay jiilaal baxaan
kashkaad ku jixaasantee

Exit mobile version