nimaan kaaba haynoo
kaarkiisu maranyahay
jacayl kuma riyoodoo
inan lama kaftami karo

kaa waxa ka sii daran
adoo kimista uun heloo
kaam yarub ku noolbaad
kibir igu dayaysaa

kuu joojin maayee
kasii daa ka sii daa
noocan kumaba haystee
ka siidaa ka siidaa

kas dumar nin xadi kara
kalgacayl la jili kara
kun jeer adi ku dhaamaa
kaftan lala wadaagee

kali cune hadaad tahay
koolkoolin karin gabadh
kaa dheer jacayloo
kasbashada gayaankaa

Exit mobile version