anoo xilo kuu noqdoo
waliba xikmadaha kalgacal
xiskayga ku kaydiyoo
laabtayda kuugu xafida

xilkaygii adaa gaboo
xaqaygii garab maree
caashaqa xagal daaca iyo
xumaanta ku doorsadee

xiriirkii dhexdeena jirayiyo
xarigii waadigaa jaree
meeshaad u xiimaysaa
armay xero oodan tahayoo
nabsigu ku soo xidhaa

anoo raga xashoo
waliba xaqiiqdii ku jecel
xurmana adi kuu hayoo
niyadayda kugu xirxiray

hadaad xal mooday sidaa
ragbaa igu xoonsanoo
anigu kuuma xiisayee
mar kale ha ii soo xadrayn

Exit mobile version