bar bar miiyigiyo magaalo tubnayn
malkada dibadaha intii ku maqnayd
mawjada dada oo jacayl ku marnaa
miyirka socodkaiyo mshaaxii bilaa
muskiyo ciidan teedsan marinada
cadawgi milicsaday maryaha tuur

miyay miyir beel asqoobeen
maroora dilaac ma quusteen
inana muxibiyo kalgacal milan
maashee farxadii magaabinayee

doqmihii murankiyo makiikihii ahaa
cakuuye masoonay mooday dantee
erayga mililka la meeri yiqiin
mudaba makaskii majiiray iyo
ee beentay malaasan miisan tiqiin
ku malabsadayoo miciinsaday gaal

miyay miyir beel asqoobeen
maroora dilaac ma uustee
inana muxibiyo kalgacal mlan
maashee farxadii magaabnayee

hablihii midabada mulaaxda ah
ma huraan dhaqankii indhaha marsday
mabsuudka ku daray mashxaradee
calanka mulkiyee maasheeyay dadkee
da,yarta mitidka ah kuu muunaysoo
muraad nin lahaa u diiday mirtoo

miyay miyir beel asqoobeen
maroora dilaac ma quusteen
inana muxiiyo kalagacal milan
maashee farxadii mugaabinayee

mudh iyo sideed midnaba dhaba ah
tobonku milga iyo mariin u yahoo
ma may baa labaatan meersatayooo
maatidu magan iyo martba u tahaoo
dadkii madaxiyo midoobay mijoo
maangaabkii saluugay murugoodee

miyay miyar beel asqoobeen
maroora dilaac ma quusteen
inana muxibiyo kalgacal milan
maaashee farxadii magaabinayee

manaxaan cadawgii la maaruqayee
mujaahid cartamayoo mildhaabaynoo
maaray madfacbaa malaaygii liqoo
yaa maali jiraa la magansadatyo
mawlaha rabibaa miciin la bidoo
midigta ku xoraynay maandeeqe

miyay miyir beel asqoobeen
maroora dilaac maquusteen
inana muxibiyo kalgacal milan
maashee farxadii magaabinayee

togdheer madashiyo mareegta xidhoo
misciri awdaliyo maarayn nabadeed
marsada saaxil yo madaar ku lamaan
sanaag mawlacyada hidaha mudan
sool waa mus dambeed milgihii qarankoo
maroodi dhex jeex mayalka xajisoo
rajada muuqataan mililiilcay
dhibtaan mudanaan ka maydhanayoo
martida timidbaa ka maqkhaati ka oo
berina meerisyaa la sii mudiyee

miyay miyir beel asqoobeen
maroora dilaac ma quusteen
inana muxibiyo kalgacal milan
maashee farxadii ma gaabinayee

Exit mobile version