cilmigu inkastuuu bad yahay
wax uun baa laga bogtaa
waxaad baryo raadisana
marbaad isku soo baxdaan
ileen bashar kula mid ah
shaqsiga bini aadmiga
sidii buug lama qariyo
bog iyo laab kaa qarsoon
kaskeenu ma baari karoo
kaskeeni ma baari karo
hadana barashada horteed
bilaash laysuma necee
naftaan u buseelayeey
adigu beer adigadaaa
waqtigu inkastuu isbadalo
taariikhda ma beenin karo
wanaagaad beerataana
mar un baa lagu baxaa
waxaanse bayaan uhelay
ilayn isku baahideey
bulshadu ka walaalo tahay

Exit mobile version