waa afgaraad jacayl
aqbalkiisiyo
waa iniin kalgacal
ubaxii ka baxay
waa udub dhigii
farxad iyo aroos
ab is guursan jiray
iyo ehel is jecel
baguu ila xidhee
ogobyahay is jecel
ayaan iyo c/qaadiro
aqalkaad dhisteen
guri aayo wacan
illaahay ka yeeel
ubad iyo nimcaba
alle idinku sii aamiin
waa aloole guur
alalaaska baxaya
waa aababulkii
aqalka iyo dhismaha
laba aynigood
iska eegtayoo
axdi iyo jacayl
isku aamina
alle guul kusimay