Khayraad EEBAA baxshee
Anfaca xoolaha watiyo
Macdanta asalkee la hubo
Dhirtiyo jawigaa udgoon
Indhaha baydhabo arkaa
Dhul kale dhulka kale kama aadaayaan

Khayraad EEBAA baxshee
Anfaca xoolaha watiyo
Macdanta asalkee la hubo
Dhirtiyo jawigaa udgoon
Indhaha baydhabo arkaa
Dhul kale dhulka kale kama aadaayaan

Duqay wada gala abaal
Axsaan wada guda wanaag
Indheer garad talo haboon
Abid aan dadka xumayn
Aqoon aqoon diineed u daa

Duqay wada gala abaal
Axsaan wada guda wanaag
Indheer garad talo haboon
Abid aan dadka xumayn
Aqoon aqoon diineed u daa

Intay bay iyo bakool
Amaan badan mudanyihiin
Afkeenu ma koobaye
ALLOW waligoodba dhawr
ALLOW waligoodba dhawr

Intay bay iyo bakool
Amaan badan mudanyihiin
Afkeenu ma koobaye
ALLOW waligoodba dhawr
ALLOW waligoodba dhawr

Isirkaa soomaaliyeed
Dhig iyo udubay u yihiin
Hidiyo dhaqan ay ogyiin
Xurmiyo cafis waa u astaan
Caqliga sugan waa u awood
Runtii runtii waa ehel gobeed

Isirkaa soomaaliyeed
Dhig iyo udubay u yihiin
Hidiyo dhaqan way ogyiin
Xurmiyo cafis waa u astaan
Caqliga sugan waa u awood
Runtii runtii waa ehel gobeed

Akhlaaq dumar lagu xushiyo
gayaan nasabiyo ilwaad
Hubqaad anshaxiyo asluub
Arlada bay iyo bakool
Haween haween edeb wacan u daa

Akhlaaq dumar lagu xushiyo
gayaan nasabiyo ilwaad
Hubqaad anshaxiyo asluub
Arlada bay iyo bakool
Haween haween edeb wacan u daa

Intay bay iyo bakool
Amaan badan mudanyihiin
Afkeenu ma koobaye
ALLOW waligoodba dhawr
ALLOW waligoodba dhawr

Intay bay iyo bakool
Amaan badan mudanyihiin
Afkeenu ma koobaye
ALLOW waligoodba dhawr
ALLOW waligoodba dhawr

Exit mobile version