Qofkaan bari hore arkoo
Hadaan ahaayoon ogaa
Inuu qurux iyo asluub
Allahu ugu deeqayoo
Halkay u adeeg tagtiyo
Halkay amin raad dhigtaba
Indhuhu u ashqaraarayeen

Markay ayaan asali
Akhlaaq wacan inan haboon
Adaab badantii waqtiga
Ayaamihii soo jiray iyo
Dharaarihii astaysanaa

Anoon maantaba ogayn
Haduu arinkeedu jiro
Umuugana afar gu'iyo
Sideed arbacoo is xiga
Ayaa caawana dareen
Qalbiga ka aloosmayaa
Caashaqu igu dhiiri galin

Exit mobile version