Naftaan kula doonayaa
Dhibaan kuu diidayaa
Dhibtaan kula daydaya
Adaan kuu danaynayaa

Naftaan kula doonayaa
Dhibaan kuu diidayaa
Dhibtaan kula daydaya
Adaan kuu danaynayaa

Adaan kuu daalayaa
Dushaan kaa eegayaa
Waxaan u dadaalayaa
Dawooy waa aawadaa

Adaan kuu daalayaa
Dushaan kaa eegayaa
Waxaan u dadaalayaa
Dawooy waa aawadaa

Darmaan xiska kuu gogloo
Doofaan kugu raacayaa
Dahriga samir baan iraa
Kalsooni adna dartaa
U suga suga suga u suga
U suga dadab guur lahaada
U suga suga suga u suga
U suga dadab guur lahaada

Darmaan xiska kuu gogloo
Doofaan kugu raacayaa
Dahriga samir baan iraa
Kalsooni adna dartaa
U suga suga suga u suga
U suga dadab guur lahaada
U suga suga suga u suga
U suga dadab guur lahaada

Naf jaceylada daacadaa
Wakhtigu dagdagbuu falaa
Digtoonina waan qabaa
Daryeel ruux kula rabaa
Fariyuu kaa daaahayaa

Jaceylada daacadaa
Wakhtigu dagdagbuu falaa
Digtoonina waan qabaa
Daryeel ruux kula rabaa
Fariyuu kaa daaahayaa

Xusbaan kugu daabacaa
Buugaan ku dardaarayaa
Kashaan kugu deeqayaa
Wadnaha kuu diran intaa
Xusuusbuu xusuusbuu duubayaa

Xusbaan kugu daabacaa
Buugaan ku dardaarayaa
Kashaan kugu deeqayaa
Wadnaha kuu diran intaa
Xusuusbuu xusuusbuu duubayaa

Dugsaan kula raadiyaa
Ducaan kugu goobayaa
Dumii ku ilaaliyaa
Misana ku dareemayaa
Dadkoo kaa dhawrayaa

Dugsaan kula raadiyaa
Ducaan kugu goobayaa
Dumii ku ilaaliyaa
Misana ku dareemayaa
Dadkoo kaa dhawrayaa

Nalkeenaan daarayaa
Oon daarayaa
Rajaan kugu dayrayaa
Waan dayrayaa
Riyaan riyaan dalxiisnayee
Runbaan ku dambeynanaa
Dadkuna wuu wuu wuu
Dadkuna wuu wuu wuu
Dakuna wuu yaabayaa

Nalkeenaan daarayaa
Oon daarayaa
Rajaan kugu dayrayaa
Waan dayrayaa
Riyaan riyaan dalxiisnayee
Runbaan ku dambeynanaa
Dadkuna wuu wuu wuu
Dadkuna wuu wuu wuu
Dakuna wuu yaabayaa

Nalkeenaan daarayaa
Oon daarayaa
Rajaan kugu dayrayaa
Waan dayrayaa
Riyaan riyaan dalxiisnayee
Runbaan ku dambeynanaa
Dadkuna wuu wuu wuu
Dadkuna wuu wuu wuu
Dakuna wuu yaabayaa

Exit mobile version