maxaan dadka kaa dhawaystay
maxaan dhibta kaa ilaashay
maxaan qalbigaaga dhawray
inaan qayrkaa ku dhaafsho
maxaan isu dhiiri galiyay
anoo dhayalsada dantayda
maxaan taada kuu dhameeyay
hadii la is dhaami waayo
wanaag lama kala dhaxlee
anoo dhexdhexaadinaaya
dhacdada maanta iyo jacaylka
dhagxumo kuu quudhi maayee
dhigaa ugu sharaf badnoow

maxaan ka dhursugay jacaylka
maxaan kugu dheel halaabay
maxaan dhabta kuugu heesay
maxaan caashaqa dhankayga
ka jiray dhaxan uga timadaa
anoo kugu dhaadanaaya
dhaliilo maxaad i saartay
hadana dhag hadi la gooyo
daloolkeedaan dhamaane
anoo dhexdhexaadinaya
dhacdada maantiyo jacaylka
dhagxumo kuu quudhi maayee
dhigaa ugu sharaf badnoow

Exit mobile version