midabkaad u dhalitiyo
wajigaada dheeha leh
dhabarkiyo xubnaha bilan
rabi ku dhameys tiray
xubno dheeli tiranoo
dhufashada talaabada
xaragadu u dheertahay
waxaan dhankaagiyo
dhinacaaga kugu dhugi
waligeyna dheel dheel
dheel kugu ilaawen

dhabta oon ku seexdiyo
dhumigaan wadaaga leh
dhaldhalaalka xiisaha
farxad aan dhamaaneyn
erey aan dhaliiliyo
hadal aani i dhaawaca
marwadii ka dhowrsoon
waxaan dhankaagiyo
dhinacaaga kugu dhugi
waligeyna dheel dheel
dheel kugu ilaawen

Exit mobile version