siduu dhaqan wanaagsani
ugu dhaato aadmigu
adigaa dhigaa qurux
xishood iyo asluub dheer
sidaa dhiro barwaaqaa
jawi dheehashada guud
dhiiri galiya loo lahaa
ama midabo dhawr oo
dhaayuhu jeclaystaan
dhabtii kugu tilmaamee
hadmaad soo dhawaan
dhawrsooni diiniyo
hido wacan qof lagu dhalay
dhabtii adiga weeyaan

dhaban aadmi daawo
dhedig iyo labood gabi
dherer iyo adaa dumar
xaragadiyo hubqaad dheer
sida dayaxoo dhugashada
xidigaha dhalaalaba
u dheeryahay iftiinkiyo
ama qorax dhacaysoo
dhulka sagal ku qarisaa
dhooleey la cayn tahayee
dhamays aad u tahay dhalad
dharsooni diiniyo
hido wacan qof lagu dhalay
dhabtii adiga weeyaan

Exit mobile version