Damacu qofku wuu hodaa
Is muujintu way dishaa
Dagdaga guul lagama helo
Ku darna ka darbay dhashaa

Damacu qofku wuu hodaa
Is muujintu way dishaa
Dagdaga guul lagama helo
Ku darna ka darbay dhashaa

Dulqaadku naftuuu sadaa
Damiirku waxbuu hagaa
Dabnuhu eraygay gabeen
Dareenbaa lagu fahmaa

Dulqaadku naftuuu sadaa
Damiirku waxbuu hagaa
Dabnuhu eraygay gabeen
Dareenbaa lagu fahmaa

Runbaa lagu dadab galaa
Xaqiiqbaa lagu dagaa
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa

Runbaa lagu dadab galaa
Xaqiiqbaa lagu dagaa
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa

Danbaa lagu meel maraa
Xumaha waa laga durkaa
Waqtiga dabarkiisa iyo
Noloshu waa bare dahsoon

Wixii aan dookhu rabin
Indhuhu kuma doogsadaan
Wax uurka ku duugan iyo
Qalbiga lama daawan karo

Wixii aan dookhu rabin
Indhuhu kuma doogsadaan
Wax uurka ku duugan iyo
Qalbiga lama daawan karo

Runbaa lagu dadab galaa
Xaqiiqbaa lagu dagaa
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa

Runbaa lagu dadab galaa
Xaqiiqbaa lagu dagaa
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa

Exit mobile version