falaarihii jacaylkaa
hooheey fara ba,an isaaro
faleembadii kalgacalkuna
igu fidi dareenkii
inan yahay fariintiyo
farta waxaan kusoo qoray
dhibtan igu fogaatee
farxad inaan ku galiyoon
kugu fano mooyee
hayga filan xumaatee
oo flan xumaatee
ila fahan ujeedada

faaladii asxaabtaa
hooheey fajac igu abuurtoo
waxay igu furaayaan
hadal aan filanayn
inanyahay fidmada iyo
in fudayd war kuu galo
waan ka feejignaadaa
farxad inaan ku galiyoon
kugu faano mooyee
hayga filan xumaatee
ila fahan ujeedada

Exit mobile version