milgiyo garashiyo xishood
aslluub iyo gaarinimo
aqoon galad iyo xaqdhawr
hidiyo gobonimiyo sharaf
hablaha gayigeena nool
miduu guulaha illaah
xishood uga gaar dhigaay
munaay gacalnimo tix gali
gudoon naftan kuu go,doo
gabood uga yeel qalbiga

samadoo godlatiyo xareed
waagoo galac soo yidhaay
gobo,dii nasabkiyo xariir
jacayl ku gardaadiyaay
geenyooy dhexda soohaniyo
timahan garbahaaga dagay
waxay i gasheen jacayl
muunay gacalnimo tixgali
gudoon naftan kuu go,doo
gabood uga yeel qalbiga

Exit mobile version