Adooy  talo kaa guracantahoo
Halboowluhu ku go’anyahoo
Laxaw gawdu kugu hayo
Soo kumaan garaabeen

Garab baan ku siin lahaa
Gargaar baan kuu tari lahaa

Anigu kumaan guhaadsheen
Ciil kuguma guriyeen
Oo kaama goosteen
Garaad Dumar baad sidaa

 

Naftaan gami diidayee
Gudcur damac gudeesee
Adi  kuu go’doontee
Aragaa dooneesaayee

Miyaad u garaabeen
Bogaaga miyaad galineen

Anigu kumaan guhaadsheen
Ciil kuguma guriyeen
Oo kaama goosteen
Garaad Dumar baad sidaa

Exit mobile version