gabayada iyo heesaha
hadii geela loo tirshoo
lagu soofsho guunyada
iyaba iyaba wa kuwa gartee
gabaryahay hadaan
kalgaceyl la guuxoo
gamankaaga gaar dhigo
garaadku miyuu ku siin
inaad ii garaawdaa
gilgilay laabtu gilgilay
gujiyay wadnahu gujiyay
gantaal caashaqu ila helay
hadmaad iga goyn gacalooy

guunyada ninka leyliyo
geesiga soo tababare
kooraha u giijiya
wa uga uga gooni dadkee
gubaabin iyo dhiiri galin
ku so gada baray kalgacal
godir iyo sidaa tahay
dugaagoo habaa ka dida
soodiga cararee gabay
gilgilay laabtu gilgilay
gujiyay wadnahu gujiyay
gantaal caashaqu ila helay
hadmaad iga goyn gacalooy

Exit mobile version