gobaa dhawrsan
diinbaa dhaxdina
lagu dhaqdaa reere
mataanaha is dhawree
calafku dheeri ku ahaaday
dheehashada kalgacaylkay
marqudha dhab u midoobaane
markay dhan isu raacaan
labad dhaanka llo raray
aqal dhidibka loo taagaybaa
noo ahaa dhaqane
dhabadi gayaankiyo
xaqaad dhiiri galiseene
guur dheefle
dhadhan nolol lehe iyo
dhala caruur khayr leh

xor baa dhiiran
dhabar iyo dul qaad
dhaadasho iyo xeere
dhalinyaro lamaane
kalgacal dhiiga u huraysa
dhaaya nuurka qaybsada
axdiga dheelitirihiisa
gabadh dheehle geesigu
markuu keeno dhabankeedu
aqal dhidibka loo taagaybaa
noo ahaa dhaqane
dhabadii gayaankiyo
xaqaad dhiiri galiseene
guur dheefle
dhadhan nolole iyo
dhala caruur khayr leh

Exit mobile version