Ruuxdayda iyo maanka, uma roonid
Kaa reystay, kuma rabee ha i raafin
Hadba soo rogaal celinta, haku raagin
oo raaliyaan helayee, raro owrta

Lahasahda kusoo ridatay rarankeedu
Raqba waa ragediiye maku riiqay

Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan
Iga reeb hankaagina, ha i raadsan
Waad igu riyootay uun, ha i raadsan

Sasabada riyaaqiina iyo raynka
Qosol iyo rakaad been u raxlaynta
Ilmo dhaban rusheeneesaa sida roobka
Nin rumaystay bay dumar rabaystaane

Roclo oradka adigoon ku reesbeelin
Ragga kaan ku rabin laguma raad joogo

Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan
Iga reeb hankaagina, ha i raadsan
Waad igu riyootay uun, ha i raadsan

Exit mobile version