xiska garahadiisay
xariir loo riyaaqay
xikmad loogu deeqaay
hodan xaya wanaagey
xaqa midii ku dhalatee
xalaal lagu anqariyee
hooyadii xambaartay
asluub ugu xiijaabtaay
xiisaha naftaydiyo
xurmo caashaq o idil
hodantaan ku xeeree
qalbiguba ku xidhan yahay
maruun xiinka cugashada
xal u waara ii sheeg

xigtadii kalgacalkaay
xidigiyo iftiineey
xasilkii arwaaxdaay
ilays aan xushmeeyay
xayndaabkii dhaqankiyo
edabtiyo xishoodkaba
yartii lagu xanaanshee
hidaheeda xafidaay
xiisaha naftaydiyo
xurmo caashaq oo idil
hodantaan ku xeeree
qalbiguba ku xidhanyaay
maruun xiinka cugashda
xal u waara ii sheeg

Exit mobile version