Ma ogtahay hormuud
Inantaad hantiday
Duco hooyadeedbay
Huuwantahee

Ma ogtahay haldhaa
Wiilkaa ku helay
Inuu yahay halyay
Hiilin kuu huyaa

Ma ogtahay hormuud
Inantaad hantiday
Duco hooyadeedbay
Huuwantahee

Ma ogtahay haldhaa
Wiilkaa ku helay
Inuu yahay halyay
Hiilin kuu huyaa

Hoygiinu noqay
Hadhac aan engagin
Kii lagu hirtee
Ehel soo hadh galo

Ubad hoodaloo
Aayrkood hor kaca
Rabibaa hayee
Idinkama hakrado

Ubad hoodaloo
Aayrkood hor kaca
Rabibaa hayee
Idinkama hakrado

Hoygiinu noqay
Hadhac aan engagin
Kii lagu hirtee
Ehel soo hadh galo

Ubad hoodaloo
Aayrkood hor kaca
Rabibaa hayee
Idinkama hakrado

Ubad hoodaloo
Aayrkood hor kaca
Rabibaa hayee
Idinkama hakrado

Haybadaad nagaad
Guuleed horseed
Heesta iyo murtidu
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen

Haybad badan nagaad
Guuleed horseed
Heesta iyo murtidu
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen

Ma ogtahay hormuud
Heemaal qurxoon
Hablihiyo dhigeed
Inay hiigsadaan

Labayahay hidaha
Ku heshiiyayoo
Caashaqan hirgalay
Idinkama hakado

Ma ogtahay hormuud
Heemaal qurxoon
Hablihiyo dhigeed
Inay hiigsadaan

Labayahay hidaha
Ku heshiiyayoo
Caashaqan hirgalay
Idinkama hakado

Labayahow hiifka iyo
Hadalada qalalan
Ka hawooda oo
Noqda aan is hurin

Laba hilaw jacayl
Hoobaan kalgacal
Isku habaya oo
Noqda aan is hurin

Laba hilaw jacayl
Hoobaan kalgacal
Isku habaya oo
Noqda aan is hurin

Labayahow hiifka iyo
Hadalada qalalan
Ka hawooda oo
Noqda aan is hurin

Laba hilaw jacayl
Hoobaan kalgacal
Isku habaya oo
Noqda aan is hurin

Laba hilaw jacayl
Hoobaan kalgacal
Isku habaya oo
Noqda aan is hurin

Haybadaad nagaad
Guuleed horseed
Heesta iyo murtidu
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen

Haybad badan nagaad
Guuleed horseed
Heesta iyo murtidu
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen
Waa hambalyadii
Hoyga aad dhisteen

Exit mobile version