camuud la iga beeraay
jiidhkiyo cadkaygiyo
maqalkiyo codkaygaay
ciirsiga laxaadkiyo
aragaan ku ciidmaay

garashada cabiraniyo
caqligayga kaliyaay
carfi lagu badhadhiyo
cawadayda noloshaay

caynaanka guushiyo
cisigayga sharaftaay
hanka ceebta diidiyo
damiirkayga culaneey
hooyooy hooyooy
waligaa ha mudan ciil
waligaa ha mudan cudur
waligaa ha mudan ceeb
waligaa ha mudan caydh

hoooyooy cakooshiyo
carabkiyo afkaygaan
duco kaaga curiyee
carcaraafka waayaha
cadho waa masiibee
CAADILKEEY dhib kaa hay
hoooyooy hoooyo
hooyaday macaaneey

adoon caano igu habin
adoon gaajo iga celin
adoon curad haldooriyo
calan sidaha iga dhigin
ma anaa qof ciil baxa
ma anaa qof ceebiyo
ka waynaada cabasho
noqon lahaa cisayga

noloshaa ku cadawoo
cidhibtiisuna guul male
cimrigiina ma xasilo

ifka ruux ku caasiyay
cidhifkiisa waxa sudhan
xadhig cayda hooyo

inta camalka khayrka le
hooyo lagu casuumee
samadiyo carshiga sare
ka cafiyo ILAAHEE
cadaabtii ka nabad gala
hooyooy CAADILKEEY
ha kaa dhigo hooyooy

Exit mobile version