jacaylku sahala maaha
sirba xajoo ku duugan
samirku libintiisa weeyi
qofkii kaaga soocan uunka
halkuu ku sargooyay yoolka
quluubta intaad ku soorto
inaad hanka siiso weeyi
cishiqigu waa ani sadkayga
suurada qalbigayga weeyan
si aan uga gaadho guusha
anigu mar sagsaagi maayo
hodaney macaaan mar sagsaagi mayo
jacaylku saadaasha maaha
dookh sida oo hogaansha
xalkiisu samaanta weeyan
ruuxad u sifayso maanka
halkuu kaaga suganyahay koonka
sadrigu mar himaami maayo
sababtuna waa dareenka